Maxay Hir-Shabeelle u diiday inay qeyb gasho shirka Maanta ka furmaya Muqdisho?.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa sheegay inaysan qeyb ka ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka,  Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir berri uga furmaya Magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Hir-Shabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in sababta aysan qeyb uga aheyn shirka ay tahay in aysan wax talo ah ku laheyn, isla markaana aqbaleyn wixii kasoo baxa.

“Dowladda Hirshabeelle waxay cadeyneysaa inaysan qeyb ka ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka,  Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir berri uga furmaya Magaalada Muqdisho, Hirshabeelle maadaama aysan  talo ku lahayn qabsoomida shirka, wixii  kasoo baxa ma noqon doonaan  wax quseeya Maamulka  Hirshabeelle.

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in ay dhowri doonaan fulinta Heshiiskii 17dii September iyo kii 27dii May ee lagu saxiixay Magaalada Muqdisho.

Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa safar shaqo ugu maqan dalka Turkiga, waxaana xusid mudan in Hirshabeelle ay sheegeen inay diyaar u yihiin fulinta heshiisyadii 17-kii September iyo 27-kii May 2021, hayeeshee aysan ka qeyb aheyn Shirka Maanta furmaya.

Xukuumadda Soomaaliya iyo madaxda kale ee dowlad Goboleedyada ayaan weli ka hadlin diidmada shirka Maanta ka furmaya magaalada Muqdisho dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.