Maxay isku hayaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka MW Puntland?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sacdiya Yasin Xaji Samatar ayaa sheegtay in laga hor istaagay safar ay shalay ugu amba bixi laheyd magaalada Garowe, kaddib marki maamulka diyaaraddi ay raaci laheyd ay ku wargelisay in madaxda Puntland aaney oggoleyn inay halkaasi tagto.

Waa markii labaad oo laga hor istaago inay gasho magaalada Garoowe ee caasimada Maamulka Puntland oo ah meeshii laga soo doortay.

Xildhibaan Sacadiyo oo shir jaraa’id qabatay ayaa sheegtay inaynan u socon siyaasad balse ay u socotay caleema saarka suldaanka kamid ah suldaanada Puntland oo lagu magacaabo Suldaan Bashiir Suldaan Cabdullahi oo lagu caleemi sari lahaa Magaalada Garoowe.

Saciid Deni ayaa aaminsan in Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sacdiya Yasin Xaji Samatar ay tahay qof saameyn ku leh Maamulka Puntland kana hor istaagi karto siyaasadiisa dib u doorashada maadaama guddoomiye Sacdiyo ay ka tirsan tahay Xisbiga UPD ee Xasan Sheekh uu hogaamiye, sidookalena Saciid Deni uu xiriirka u jaray dowladda Xasan Sheekh.