Maxay ka dhigan tahay cunaqabateynta uu Mareykanku uu saaray ragga hubka geeya Soomaaliya?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Bayaan lasoo dhigay bogga internetka ee Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Washington, ayaa lagu sheegay, in Xafiiska Xakameynta Hantida Dibadda ee wasaaraddu uu tallaabo ka qaaday Daacishta Soomaaliya taasoo ah cunaqabateyntii ugu horreysay ee lala beegsado laanta ka tirsan ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah.

Bayaankan waxaa lagu sheegay in cunaqabateyn lagu soo rogay shabakad ka kooban toban qof oo Soomaali ah oo lagu tilmaamay in ay hubka sharci darrada ah soo geliyaan Soomaaliya.

Liiskan cusub ee uu Mareykanka soo saaray ee ay Soomaalida ku jiraan ayaa noqonaya midkii labaad ee uu dalkaas soo saaro muddo ka yar saddex todobaad.

Korneel Cabdiwaaxid Maxamuud Xasan oo ah madaxii hore ee waaxda sirdoonka ee ciidanka Daraawiishta ee Puntland ayaa BBC-da uga warramay waxa uu ka dhigan yahay liiskan cusub ee uu Mareykanku soo saaray. Wuxuu sheegay in warbixinta ay kusoo beegmeyso xilli dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay dagaalka xooggan ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dadaallada sii xogeysanayaa ay wadaan beesha caalamka ee ka dhanka ah kooxdan.

“Liiskan wuxuu ka dhigan yahay dagaal baa lagula jiraa argagixisada, Mareykan horey ayuu ugu jiray, anagana waan kula jirnaa saaxibada ay iskaashadaan baan kamid nahay, dabcan xogo ay heleen buu ku saleysan yahay liiska ay soo saareen, waxaan moodda in wadashaqeyn u muujinayaan dowladda Soomaaliya iyo dadka Soomalaiyeed ee ku jira dagaalka argagixisada.”

Mareykanka ayaa sheegay in raggan magacyadooda lasoo bandhigayo ay wada-shaqeyn dhow la leeyihiin kooxda ISIS ee Somaaliya. Shabakaddan ayaa ka howl gasha Yemen iyo Soomaaliya, waxyna xiriir adag la leeyihiin kooxda Al-Qaacidada Yemen iyo Al-Shabaab, sida lagu sheegay war saxaafadeed-ka.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu horey u cambaareeyay hubka Soomaaliya la geeyo ee gacanta u gala ururka Al Shabaab iyo ururada kale ee Soomaaliya ka jira, taas oo “xadgudub ku ah cunno-qabteynta hubka ee Qaramada Midoobay.”

“Liiska wuxuu isugu jiraa dad ganacsato ah, qeyb burcadeed hore aheyd oo la cafiyay iyo qeyb laftigooda Shabaab ah, ganacsiga hubka waa gaar waa wax ka jira Soomaaliya.”

Wuxuu sheegay in shaki uu uga jiro dad qaar ee Mareykanka uu ku tilmaamay inay hubka soo geliyaan Soomaaliya isla markaana loo baahan yahay in la xaqiijiyo in qofka ganacsadaha ay kooxaha u handadeen ama in kale.

“Shaki baa iga jira sababtoo ah Mareykanka xogta iskama sheegin cid buu ka helay, Soomaaliya xogaheedana dhinac bey ka raran yihiin , xaqiijin bey u baahan tahay, cabsi miyay wax kaga qaadeen qolada Daacish qofkaa ganacsadaha ah mise taageero qofka wuu taageersan yahay, maamulka waa in uu ka yimaadaa, kadib Mareykan loo gudbiyaa , haddii ay gudbiyeen waa inay tallaabo qaadaan maamulka oo ay caddeeyaan in qofkan sharciga la marsiiyay ama burcad badeed hore oo la cafiyay ama uu yahay qof argagixiso si loogu caddeeyo caalamka” ayuu yiri Korneel Cabdiwaaxid Maxamuud Xasan.

BBC