Maxay ka dhigan tahay digniinta NISA?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Korneyl Shariif Xuseen Roobow, oo ka faallooda arrimaha amniga horena uga tirsanaa hay’adda NISA ayaa BBC-da u sheegay in wax lala yaabo ay tahay digniinta NISA isagoo sheegay in khawaaniinta hay’adda aysan ku jirin in la shaaciyo haddii khatar ay soo wajahdo madaxda dalka.

“Waxay ahayd haddii ay maqleen oo ay dhab tahay in labada madax ee ugu sarreysa dalka ay nabad gelyadooda halis ku jirto inay daba galaan iyagoo aan idaacadaha ka sheegin oo aan khalkhal dadweynaha gelin, wxaa la rabay inay arrintaas ka gun gaaraan inay dhab tahay iyo inaysan ahayd, haddii ay dhab tahayna inay si qarsoodi ah wax uga qabtaan oo marka howlgalku dhammaadana ay madaxda la wadaagaan, xitaa marka ay wax ka qabtaan in idaacadaha laga sheego maaha iska daa iyadoon waxba laga qaban’e,” ayuu yiri Roobow.

Roobow ayaa intaas ku daray inay u muuqato in nidaamkii nabad-sugidda iyo habkii amniga loo sugi lahaa aan la fahansaneyn. Wuxuu sheegay inaan marnaba la oggoleyn in la shaaciyo arrin amni oo ku saabsan madaxda dalka.

Wuxuu sheegay in marar badan uu khalad noocan oo kale ah ka dhacay NISA, sida inay dadweynaha la wadaagaan gawaari qaraxyo sida oo magaalada ku dhex jira, “Haddii ay maqlaanna waxaa la rabaa inay aamusaan oo howlgal ay sameeyaa oo ay ka hortagaan inta tabartooda ah oo ay meesha ku fashiliyaan qaraxa intuusan dhicin,”

Roobow ayaa sheegay in digniintan NISA ay buunbuunin u noqon karto Alshabaab oo uu sheegay inay doonayaan in laga cabsado oo ay dalka khalkhal geliyaan.