Maxay ka dhigan tahay in doorashada Soomaaliya ay markale dib u dhacdo?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Doorashada Soomaaliya ayaa mar kale dib-u-dhacday xilli maanta oo 15-ka Maarso ah lagu ballansanaa in la soo afmeero doorashada Golaha Shacabka oo socota lix bilood.

Somaliland iyo Banaadiriga ayaa soo idleeyey kuraastooda oo Muqsisho lagu doorto halka Galmudug & Koonfurgalbeed lagu wado in maanta ay soo gebogebeeyaan, hase ahaatee waxaa weli taag-taag ka jiraa kuraas ku hadhsan Puntland, Hirshabeelle iyo Jubbland oo ay ugu daran tahay 16 kursi oo yaalla gobolka Gedo halkaasi oo ah xuddunta is-marin-waaga doorashada.

Laba kamid ah lixda kursi ee ku harsan Puntland oo laga soo doorto gobolka Mudug madaxweyne Deni & ismada dhaqanka ayaan weli isku-mari la’ qaab doorashadooda.

Golaha Wadatashiga ayaa la filayaa in ay mar kale jaan-gooyaan waqtiga la soo dhammaynayo doorashada balse lama ogo waqtiga rsamiga ah oo ay soo gabagabow doonto.