Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Keny?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo oo maanta booqasho ku timid Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ayaa ka wada hadlay sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya ay yihiin kuwo deris ah oo ay ka dhexeeyaan dano badan sida diblomaasiyadda,amniga iyo arrimaha dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Xukuumadda Soomaaliya waxa ay sheegtay in ay ku adkeynayaan in dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya go’aankeeda laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada.