Maxay Ka wadahadleen Qoor Qoor iyo Kheyre?

GAROWE-AYAAMAHA-Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal waxaa weli ka socda kulamo gaar gaar ah oo ay leeyihiin, Xubnaha mucaaradka & Muxafidka isugu jira ee ku sugan halkaas, iyaga oo ka hadlay arrimaha muranka uu ka taagan yahay ee doorashooyinka Qaranka.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa xalay ku kulmay magaalada Garowe.

Wararka kulanka aan ka helnay ayaa sheegaya inay ka wada hadleen xaaladda dalku marayo, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, waxaana si gaar ah diiradda ay u saareen sidii looga wada shaqeyn lahaa hannaan ay dalka uga dhici karto doorasho xor iyo xalaal ah oo la isku raacsanyahay.

Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa ku boggaadiyay Madaxweyne Qoorqoor dadaalada ku aadan xalinta muranka ka taagan doorashada, iyo sidii cabashooyinka jira loo xalin lahaa.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dhowaan ka sheegay Shirkii Heritage inay ku howlan yihiin sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dadaalo lagu xalinayo tabashooyinka ka jira hannaanka doorashada.

Kulanka ayaa waxaa uu ahaa mid Madaxweyne qoor qoor uu xog-wareysi kula yeelanayay Bulshada si uu uga dhageysto hadii ay jiraan dhibaatooyin ay qabaan, iyaga oo u gudbiyay Warbixin ku saabsan xaaladaha ay ku nool yihiin.