Maxay kawada hadleen Cabdi Xaashi iyo Axmad Madoobe?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa magaalada Muqdisho  kulan kuwada yeeshay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Waxey Labada mas’uul  ka wada hadleen sidii loo dardar galin lahaa dadaalada loogu jiro qabsoomida Doorashooyinka Baarlamaanka iyo iyo tan Madaxweynaha.

Guddoomiyaha Aqalka Sare  ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam dadaalada uu gelinayo sidii dalkaan uga dhici laheyd dooraso oo dhan yahay.

Madaxweynaha Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo Muqdisho u yimid ka qyeb galka kulanka Golaha wadatashiga doorashooyinka ayaa waxaa la filaya I uu la kulmay Madaxda kale ee dowlad Goboleedyada.

Cabdi Xaashi ayaa ugu baaqay Axmad Madoobe inuu hormuud u noqdo doorasho daahfuran oo loo dhan yahay islamarkana soo afjarta hamiga Farmajo.