Maxay kawada hadleen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Safiirka Turkiga?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka dowladda Turkiga u jooga Magaalada Muqdisho ee Mehmet Yilmaz.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Safiirka Turkiga ayaa waxaa looga wada hadlay sii xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah, mashaariicda horumarineed ee Turkigu ka wado Soomaaliya iyo wax ka qabashada Abaaraha baahsan ee dalka ka jira.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa Safiirka u sheegay inay muhiim tahay u gurmashada dadka Soomaaliyeed ee abaaraha ku saameeyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada, kuwaasi oo u baahan Gurmad

“Waan ku faraxsanahay inaan la kulmo H.E. Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Waxaan fursad u helnay inaan ka wada hadalno wax ka qabashada abaaraha, maalgashiga ganacsiga gaarka ah ee Turkiga iyo dhinacyada kale ee iskaashiga” ayuu yiri Safiirka Turkiga ee Muqdisho oo ka hadlay kulanka.