Maxay ku kala duwan yihiin NISA-dii Fahad Yaasiin hogaaminaayey iyo NISA-da Mahad Salad?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Warfaafinta Dowlada Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo shir jaraa’id ku qabatay wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay in Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ay gacanta ku soo dhigeen 10 basaasiin u ahaa Alshabaab,kuwaas oo ku dhaxjiray hay’adaha Ammaanka.

Shirkiisa jaraa’id ayuu ku sheegay wasiirka warfaafinta Daa’uud Aweys Jaamac inay sidoo kale baxsadeen qaar ka mid ah rag lagu eedeeyay inay u basaasayeen Alshabaab.

“Waa inaan lala xiriirin oo aan lala tacaamulin Cabdisataar Cabdiqaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamed Cali kuwaas oo ka tirsanaa hay’adaha amniga, balse baxsadka ka ah sharciga iyo laama amniga dowladda.”ayuu yiri Wasiir Daa’uud.

Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo ahaa mid si weyn looga cabsan jiray inta uu xilka haayey, isagoo adeegsanaya awooda dowladda iyo mida Hay’adda NISA ayaa hadane dhanka kale waxaa la aaminsan yahay in Alshabaab ay mu milmeen hayadaha kala duwan ee dowladda, waxaana hada soo baxayso saraakiil iyo guddoomiyaal waxeed in loo xiray inay la shaqeynayeen AlShabaab.

Markii uu xilka qabatay Mahad Salaad ayaa u muuqday mid kaalin weyn ka qaatay la dagaalanka Al Shabaab iyadoo maalinba maalinta ka dambeeysa la soo qato ragga Shabaab u shaqeeya oo ku jira dowladda.

Dhanka kale Amniga Magaalada ayaa waxweyn iska bedelay waxaana yaraaday qaraxyadii sida joogtada aheyd uga dhici jiray magaalada Muqdisho, iyadoo la kordhiyey ciimada ilaaliya bar kontoraalada.