Maxay Laftagareen ugu dhgan tahay Musharaxnimada Taliyaha Asluubta ee HOP#172?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa maanta ka dhabeeyey musharixnimadiisa Golaha Shacabka Soomaaliya, isaga oo isku soo taagay kursiga tirsigiisu yahay ee HOP#172.

Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa maanta qaatay shahaadada musharxanimada, isaga oo ka guddoomay guddiga SEIT ee Koonfur Galbeed.

“Guddiga hirgelinta doorashada KGS SEIT waxay shahaadada musharaxnimada gudoonsiiyeen musharax Mahad Abdirahmaan Aadan oo u sharaxan kursiga HOP#172,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga maamulka doorashada ee Koonfur Galbeed.

Kursiga Hope172 ayaa ka mid ahaa kuraasta maalmihii ugu dambeeyay ugu hadal haynta badnaa, koogur galbeed, maaddama ay jireen warar soo baxayay oo ku aaddanaa in madaxtooyada Soomaaliya ay la doonayso kursigaas Madaxweyne Cabdi Casiis Xasan Lafta-gareen.

Laft-gareen ayaa la sheegay in uu iska casilayo Xilka Madaxweynaha koofur Galbeed, si uu Guddoomiye Baarlamaan u noqdo, balse haatan ma muuqato sababo muujinaya is-casilaadda lafta Gareen.

Arrintan ayaa caddeyneyso in madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen uu gebi ahaan isaga haray tartanka doorashada, maadaama aad loo hadal hayo inuu u sharaxan yahay kursigan HOP#172, waxayna tani meesha ka saareysaa isku daygii Villa Soomaaliya ee ku aadanaa in Baarlamaanka uu soo galo Lafta Gareen, si uu ugu ololeeyo dib u doorashada Farmaajo.

Si kastaba Mahad Cabdiraxmaan oo loo yaqaano (Taliye Shub) ayaa ku biiraya saraakiil horey loogu doortay Golaha, waxaana ka mid ah Fahad Yaasiin, Cabdullahi Kulane, Yaasiin Farey, Bashiir Ameeriko, halka kuwa kale ay waayeen, sida Bashiir Goobe iyo Indha Qarshe.