Maxay Puntland u diiday in Dowladda Soomaaliya ay ka qayb gasho Shirka Shidaalka Afrika?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowlad Goboleedka Puntland ayaa qaadacday shirka Shidaalka Afrika ee ka socda dalka Imaaraadka Carabta, kaasi oo qayb galayso Dowladda Soomaaliya.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Maamulkaasi Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in marnaba wax walba oo kasoo baxa shirkaasi oo la isku waafaqo aysan quseyn dowlad Goboleedka Puntland.

Puntland waxay shirkadaha caalamiga ah uga digtay in ay heshiis shidaal la galaan Dowladda Federaalka, “Sharciga shidaalka dalku ma waafaqsana dastuurka federaalka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Puntland.

Puntland ma ahan dowlada katirsan Afrika ee waa maamul hoostaga dowladda Soomaaliya balse waxay doonayaan in marwalba ay u dhaqmaan sidii dowladda madax banaan.