Maxay Soomaaliya ugu gacan seyrtay “War bixinta Guddiga” Midowga Afrika?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaashaanka u daruurtay war bixin lagu baahiya baraha bulshada oo la sheegay in ay kasoo baxday Guddiga Qiimaynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika, taasoo looga hadlay arrimo ku saabsan howlgalka AMISOM iyo xaaladda Soomaaliya.

War kasoo baxay xukuumadda Muqdisho ayaa lagu sheegay in golaha Wasiirrada ay shir deg deg ah ka yeelanayaan arrintan, dhawaanna bayaan kasoo saari doonaan.

Balse intaan taa la gaarin BBC-da ayaa wareysi falan qeyn ah la yeelatay Faysal Rooble oo ah khabiir ka faalooda arrimaha geeska Afrika waxa uuna sheegayaa in warbixinta ay uga soo baxday laba qodob oo ah sababha Ammisom ku kallifay warbixintan inay soo saaraan.

“Waxaa iga baxay in Midowga Afrika uu dhinac ka war-warsanyahay nabadgalyada Soomaaliya gaar ahaan haddii ay ka baxaan, iyo dhinaca kale oo cagsigeeda ah oo ah inaad mooddo inay rabaan inay Soomaaliya sii joogaan muddo kororsi dheerna ay rabaan inay ku darsadaan, labadaas arrimood baa is garab cararaya marka mid cudur daar ayay uga dhigeen midna waa rabitaankooda sida ay warbixinta qoreyso,” ayuu yiri Faysal.

Faysal ayaa sababta ugu weyn ku sheegay inay noqon karto in weli aan la isku waafaqsanayn Axdi Qarameedkii Soomaaliya u yaalay ee la rabay inuu isku tolo isla markaana uu noqdo waxa keliya ee kala saaraaya marka la isku qabsado xag siyaasadeed, xag bulsho iyo xag dhulba.

“Ha noqoto xagga dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada amaba ha noqoto magaalooyinka ama dowlad goboleedyada dhexdooda, waxaan weli adkayn sharcigii kala hagi lahaa, marka xilli kasta oo uu dhaco khilaaf yar waxaa laga baqayaa in arrin weyn ay isku badasho oo khal-khal gelinaya Soomaaliya sida barigii dhoweyd ee shaqaaqadii Muqdisho ka dhacday iyo isku dhicii foosha xumaa, marka waxaa la ogyahay in dhibaatooyinkaasi ay meelkasta ka dhici karaan.”