Maxay tahay diyaaradda uu Ruushka sameystay ee hurdada u diidday Mareykanka?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maalintii Talaadada, taliska militariga Ruushka ayaa munaasabad uu goob joog ka ahaa madaxweyne Vladamir Putin ku daah furay diyaarad cusub oo nooceedu yahay Sukhoi, taasoo lagu magacaabay “Checkmate”.

Xogta ku saabsan naqshadda iyo awoodda diyaaraddan dagaal oo jiilka shanaad ah ayaa lagu soo bandhigay xaflad ka dhacday duleedka magaalada Moscow.

Khubarada ku xeel dheer diyaaradaha dagaalka ayaa diyaaraddan cusub ee uu Ruushka sameystay ku qeexay mid la tartameysa diyaaradda ay heystaan militariga Mareykanka ee lagu magacaabo F-35, taasoo waddamo badan laga hor taagnaa.

Laakiin Ruushka ayaa damacsan inuu durbadiiba diyaaraddan casriga ah ka sii iibiyo dalal kale oo dhowr ah oo loo dhoofin doono marka ay isku afgartaan qiimaheeda.

Maxay tahay diyaaradda Checkmate?

Sida ku xusan xogta ilaa hadda la heli karo, diyaaradda dagaalka ee Checkmate waxay ka fududdahay diyaaradda labo maroor-leyda ah ee Sukhoi Su-57, waxayna ilaa shan gantaal oo kuwa duula ah u qaadi kartaa jihooyin kala duwan.

Waxay diyaaraddan sidoo kale awood u leedahay inay iyadoo hawada ku jirta fasaxdo diyaarado kuwa uusan duuliyaha saarneyn ah, waxayna halkii mar qaadi kartaa 7.5 tan oo hub ah.

Checkmate ayaa u baahan waddo aad u gaaban marka ay duulayso ama ay soo caga dhiganayso, taasoo ah awood ay gaar la tahay diyaaraddan.

Tikhnoolojiyadda lagu sameeyay diyaaraddan – oo jiil cusub ah – waxaa lagu tilmaamay mid aad u sarraysa, waxayna ku shaqeyneysaa hal matoor oo kaliya.

Diyaaradda cusub ee Checkmate waxaa qiimaheeda lagu qiyaasay $20 ilaa $30 milyan oo doolar. Kaddib markii tijaabooyin dhowr ah lagu sameeyo, waxay diyaaraddan duullimaadkeeda ugu horreeya Ruushka ka sameyn doontaa sanadka 2023-ka.