Maxay tahay farriinta Wasaaadda arrimaha debadda Maraykanka usoo dirta R/W Rooble?

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa  farriin loogu diray ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo hogaaminaya wada-hadalladaas doorashooyinka, ayada oo loo sheegay inuu haysto taageerada buuxda ee dowladda Mareykanka.

“Hoggaamiyayaasha Soomaaliya waa inay ka faa’iideystaan fursaddan si ay iminka u dhameystiraan heshiis doorasho oo u wanaagsan shacabkooda iyo dalkooda. Ra’iisul Wasaare Rooble waxa uu haystaa taageeradeena buuxda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Shirkan ayaa waxa uu shirarkii hore uga duwan yahay iyadoo uu shirka hoggaaminayo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, meeshana ay ka baxday hoggaamintii Madaxweynaha waqtigiisu dhamamaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la saaray mas’uuliyadda eeda fashilka shirka.