Maxay tahay halista dalka kusoo food leh ee Wasiirka amniga ka digay?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in dalka meel xun ku wado, waxa uuna sheegay Wasiirka in Farmaajo damacsan yahay in xukunka xoog kusii heesto.

Waxa uu sheegay Wasiirka amniga in Farmaajo uu wali rabo in sifo sharci daro ah dalka kusii hoggaamiyo, waxa uuna cadeeyay hadii ay usuurtoobi weyso in dalka xoog kusii maamulo in uu ka fekerayo sidii talada dalka ula wareegi lahaayeen Al Shabaab.

Wasiirka amniga ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Farmaajo ka shaqeenayo in shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada AMISOM in ay isku dhacaan, balse iyagu ka shaqeenayaan sidii shacabka uga badbaadin lahaayeen dabinka kooxda Farmaajo.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan khataro amni oo maalmaha iyo saacadaha soo socda kusoo fool leh caasimadda,waxa uuna sheegay in khatarahaasi maleegayo Farmaajo oo lumiyay kalsooni uu doorashada ku galo sidoo kale aan sameyn karin in uu tanaasulo sidaa darteed maleegaya khataro dalka dhibaato galiya.

Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa sheegay in kooxda Farmaajo aysan waxba ka duwaneyn kuwa suunka soo xirta ee ismiidaamiya, waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in meel uga soo wada jeestaas kooxdaasi dalka khatarta galineysa.

Ugu Dambeyn wasiirka amniga ayaa sheegay in Wakiilkii Midowga Afrika ee Soomaaliya Madeira ay dalkan uga dhammaatay marnaba uusan kasii shaqeyn doonin, waxa uuna xusay in Farmaajo iyo kooxdiisa wax kasta ay sameeyaan aysan Madeira soo celin karin.