Maxay tahay jawaabta uu ka bixiyey su’aalihii la weydiiyey Hanti dhowrka guud ee qaranka?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Weriye katirsan telefeshinka Universal oo lagu magacaabo Cabdicasiis Ok ayaa waxaa uu su’aalo adag weydiiyey Hanti dhowrka guud ee qaranka Axmed Ciise Guutaale, Su’aalaha uu Cabdicasiis weydiiyay oo ahaa seddex ayaa waxaa kamid ahaa:-

Su’aasha 1-aad ee Axmed Ciise la weydiiyey ayaa waxay u dhacaysay sidan:- “Hanti dhowre Magacaabis ku yimid sow ma dhihi karno ma sameyn karo baaris Hufan oo dhammaan hey’adaha Dowlada ah”?

Su’aasha labaad ee Weriye Cabdicasiis Ok weydiiyey Hanti-dhowraha ayaa waxay aheyd:- “Ma aragno dad waaweyn ama masuuliyiin loo soo xiray ama loo soo eedeeyey baaritaanada aad sameyso, waxaan aragna shaqaale hoosaad xiran qaarkoodna ayagoo eeda ku cadaanin xilalkii ay hayeen laga qaaday taasi sow gar eex ma ahan”?

Su’aasha seddex-aad ee ugu adag oo si qaas ah u quseysay Hanti-dhowraha ayaa waxay u dhacaysay sidan:- “Mudane Hanti-dhowre waxaa joogtaa wax ka yar 5 bilood sidee baa waxaan fatash iyo baaritaan ah kugu suuragaleen inaad soo bandhigto”?.

Axmed Ciise Guutaale hanti-dhowraha guud ee qaranka oo ka jawaabayey su’aalihii la weydiiyey ayaa waxaa uu sheegay in dadka ay isku qaldaan shaqada 4ta xafiis ee kala ah:- Hanti-dhowrka guud, Garyaqaanka guud, Xisaabiyaha guud iyo Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, waxaana uu sheegay in isaga iyo xafiiskiisa aan qofna xirin qofna waaran u jarin balse uu ka shaqeeyo in lasoo helo xog suurtagal ah, maangal ah oo cadaalad ah.

Su’aalahan iyo kuwo kale oo badan ayaa baraha bulshada iyo goobaha dadweynaha ku kulmaan si weyn loogu falaqeynayey mudooyinkan dambe kadib markii hanti dhowraha Qaranka uu dacwad ka gudbiyey shaqaale hoosaadka dowladda, iyadoo qof wasiir ah ama Xil sare haayo aan weli dacwad laga gudbin.