Maxay tahay khatarta ku gedaaman amniga Ra’iisul Wasaare Rooble?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya ee NISA ayaa digniin ay xalay soo saartay ku shaacisay shirqool ay sheegtay in Al-Shabaab ay dooneyso inay ku disho Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal lagu baahiyey barta Twitterka ee hay’adda NISA ayaa lagu sheegay inay xogta ay heleen ay la wadaageen madaxda sare.

NISA waxay sheegtay in shirqoolkan uu Al-Shabaab hormuud uga yahay horjooge lagu magacaabo Maxamed Mahir.

Qoraalka NISA laguma shegein faahfaahin intaasi dheer.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhowr maalmood kahor sheegay inuu helay hanjabaado dil ah.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa 31-kii bishii hore mar uu ka hadlayay kulan loogu tacsiyaynayay Allaha u naxariistee xildhibaannad Aamino Maxamed Cabdi, oo dhawaan iyada iyo dad kale lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Baladweyne, wuxuu sheegay in gacanta dishay Aamino ay tahay gacantii ay ku baxday Ikraan Tahliil oo horey uga tirsaneyd sirdoonka Soomaaliya isla markaana la waayay.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in ka hor dhimashadii marxuumad Aammino ay isaga iyo madaxweynaha Hirshabeelle Cali guudlaawe ka wada hadleen khilaaf ka dhex taagnaa guddiga doorashooyinka ee maamulkaas oo sida uu sheegay guddoomiyihii la baddalay uu doonayay in kursaas uu ka mid yahay kursiga Aamino u tartamaysay cid gaar ah loo xiro.

Kadib markii xilka laga qaaday guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka Hirshabeelle lana magacaabay guddoomiye kale ra’iisul Rooble wuxuu sheegay in wakhtigaas wax yar kadib loo soo diray fariimo loogu hanjabayo.

“Walaalkey Cali Guudlaawe subixii dhaweed ee uu isoo wacay oo ay is khilaafeen guddoomiyaha SEIT ee Hirshabeelle kaas oo doonayay in kuraas u xirnaato oo dad gooniya la siiyo, markii madaxweyne Guudlaawe aqbaly in kuraastaasi la furo oo ila soo xiriiray garabna aan ku siiyay in ninkaasi la badalo waxaan isla markii aniga madaxweyne Guudlaawe ka wadahadllanay furitaanka kiiskaas oo ay Aamino ka mid tahay in dhibaato ay soo gaari doonto,” ayuu yiri Rooble.

Isaga oo arrintaa ka sii hadlaya ayuu hadalkiisa waxaa uu raaciyay:-” Ilaahaa iga sarreeya wax saacad ka yar kadib fariimo ayaa ii soo dhacay waan hayaa oo la illeeyahay kursigaas Aamino furitaanka aad furteen boob iyo ujeeddo ayaad ka leedahay laakin waa waxaad ka hesho”. Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in dadkii qarashka ku bixiyay dilka Aamino iyo kuwii abaabulayba ay noolyihiin isla markaana aan laga hari doonin.

“Waa noolyihiin kuwii qarashka ku bixiyay ninkii Xildhibaannad Aamino isku qarxiyay kuwii abaabulay waa noolyihiin laakin in sha Allah, Alle Subxaanuhu Watacaalaa wuu ka soo saarayaa xaqdarada ay galeen mana ka haraynno intaan noolahay,” ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa abuuray hadal heyn, iyadoo ay dad badan ay baraha bulshada kaga falceliyen.