Maxay tahay muhiimada ay leedahay furitaanka Shirkada duulimaadyada ee Fly Dubai.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Diyaaradda Fly Dubai oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta si rasmi ah u bilowday Duulimaad toos ah oo Dubai ilaa Muqdisho ah.

Munaasabadda furitaanka diyaaradda Fly Dubai oo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho ka qeyb galeen ayaa lagu boggaadiyay Bilowga diyaaraddan, sidoo kale safaaradda Imaaraadk ee Muqdisho ay bilaabi doonto in Baasaboorka Soomaaliga ku bixin doonaa Viisaha dal ku galka.

Shirkadda Diyaaradaha ee Fly Dubai ayaa duulimaadkii u horreeyay ku timid Muqdisho, iyadoo bilowday duulimaad toos ah Muqdisho – Dubai iyo Dubai -Muqdisho, waxaana durba hoos u dhac ku yimid qiimaha tikadhada ee diyaaradaha caalamiga ee Muqdisho yimaada.

Duulimaadka diyaaraddan ayaa maalinle noqon doonta, sidoo kale waxay fududeyn doontaa isku xirka dalal kale ee duulimaadyada ay ku tagto, gaar ahaan dalka Hindiya oo Soomaalida ay baahi aad u weyn oo dhanka caafimaadka ugu tagaan.

Diyaaradda ayaa duulimaadyo ku tagi doontaa Magaalooyinka Muqdisho, Hargeisa, Alexandria, Asmara, Dar es Salaam, Djibouti, Entebbe, Khartoum, Jubba, Asmara iyo Addis ababa.

Duulimaadyada Fly Dubai ayaa la ballaarin doonaa 1-da bisha June ee sanadkaan sida ay sheegtay Warbaahinta Dowladda Soomaaliya.