Maxay tahay Qorshaha ay DFS damacsaneyd ee Siciid Deni Fashiliyay?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Puntlaand Saciid  Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horreysay  ka hadlay sababihii keenay in Puntland  aysan ka qaybgelin saxiixa Qodobada War murtiyeedkii laga soo saaray  shirkii Madasha Watashiga Qaranka  ee dhawaan lagu qabtay Magaalada Muqdisho .

Madaxweyne Deni ayaa isaga oo Faah Faahinayay sababta Puntland aysan uga qayb gelin saxiixa Qodobada shirka ayaa sheegay in puntland ay diiday laba qodob oo mid garsoor Madax banaan ah  iyo qodob kale oo ah Awoodaha Dawlada iyo Maamulk goboleedyada oo aan waafaqsaneyn Dastuurka Puntland & kan Federaalka ‘ ayuu yiri Madaxweynaha Puntlaand.

“Waxaa la rabaa in dalka dib loogu celiyo nidaamka dowladda dhexe iyo in maamulks Somaliland loo sharciyeeyo gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, Puntland marnaba ma aqbaleyso arrinkaas” ayuu yiri Deni.

Majirto wax war ah oo dowladda ay ka soo saartay eedeymaha hoggaanka Puntland, iyadoo madaxweyne Xasan uu hore ugu sheegay sababta Deni heshiiska u saxiixa waayay ay tahay dalab ku aadan inuu Siciid Deni maamulkiisa latashi kale ugula laabto.

Shirka madasha watashagiga qaranka ayaa ahaa mid u dhexeeyay dawladaa federaalka Soomaaliya’ Dawlad Goboleedyada  iyo Goblka Banaadir, inkastoo puntland aysan ka qayb gein saxiixa warmurtiyeedkii laga soo saaaray shirkaasi.