Maxay tahay qorshaha qorsoon ee Xasan Sheekh ka doonaya madaxda uu la shirayo?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa maalintii labaad galay shir seddex maalmood soconaya oo shalay soo billowday kaas oo u dhexeeya madaxweynaha xilka haya iyo madaxdii hore. Madaxda shirkan kasoo qeybgaleysa waxaa ka mid ah madaxweyneyaal hore, shan raysal wasaare oo hore, iyo saddex guddoomiye baarlamaan.

Ajendaha shirkan oo ah nidaamka doorashada dalka ka dhici doonta ee qof-iyo-cod ayaa muran weyn ka dhalisay saaxada siyaasadda e Soomaaliya. Doorashada kaliya ma aha waxa aan la isku afgaran waayay ee waxaa ka mid ah in dalku yeesho hannaan qof iyo cod ah, oo min golaha deegaanka ilaa tan madaxweynaha ay dadku doortaan.

Ujeedada shirkan la isugu yeeray, martiqaadkana loo fidiyey ayaa ah sidii dawladda Soomaaliya ay ”uga tala galin lahayd, ra’yigoodana u dhegeysan lahayd” madaxda dalka hore u soo hogaamisay, si loo ogaado waxa ay ka qabaan qorshaha ay Madasha Wadatashiga Qaran soo bandhigtay bishii May ee ku saabsan doorashooyinka lagu baaqay in dalka ay ka dhacaan ee qof-iyo-cod, iyo hanaanka xisbiyada dalka iyo baabinta xafiiska Raysal wasaaraha si loo sameeyo madaxweyne iyo madaxweyne xigeen.

Sidookale shirka waxaa qeyb ka ah wadatashi madaxweynuhu la yeelanayo qeybaha bulshada oo ay ugu horreeyaan madaxdii hore iyo siyaasiyiinta. Waxa uu intaa ku daray in shirka lagu casuumaday dhammaan madaxdii hore. Madaxda casuuman waxaa ka mid ah dhammaan madaxweyneyaashii hore oo ay ka mid yihiin Shariif Sheekh Axmed, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, raysal wasaareyaal hore iyo guddoomiyeyaashii baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Qorshaha ugu muhiimsan ee Xasan Sheekh ka doonaya madaxdii hore ee dalka ayaa ah inay ku garab siiyaan dagaalka ay dowladda kula jirto Alshabaab, islamarkaana masuul walba deegaanada uu kasoo jeedo si toos ugu hogaamiyo dagaalka la qorsheynayo in laga billaabo.