Maxay tahay Saameynta ka dhalan karta khilaafka Farmaajo iyo Rooble?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Labadii cisho ee u danbeysey ayaa waxaa qoraalo isku jawaabaya is-weydaarsadey xafiiska madaxweynaha iyo kan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraaladan ayaa ku soo beegmey xili ay magaalada Muqdisho booqasho ku imaaneysey Wwasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, waxayna salka ku hayaan haddii xukuumadda ay heshiis gali karto xilliyada doorashada iyo haddii kale.

Madaxweynaha ayaa ku amray hay’adaha dowladda inaysan gelin wax heshiisyo ah, hase yeeshee Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in awoodaha fulinta ay leedahay xukuumadda.

Dowladihii dalka soo maray ayaa markii la gaaro xiliyadaan waxaa khilaaf soo nkala dhexgelijiray masuuliyiinta ugu sarreeyso dalka, mana ahan markii ugu horreeysay ee khilaaf noocaan ah soo kala dhexgala Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaarihiisa.

Arrintaa khilaafka ayaa muujineysay in shacabka la tusayb wajiyada dhabta ah ee madaxda dalka, waxayna u muuqataa inay saameyn ku yeelan karto arrimaha doorashooyinka iyo rajada shacabka ay qabaan oo ah in si nabad ah ay doorasho dalka ugu dhacdo.