Maxay tahay sababta ciidamada dowladda & kuwa deegaanka uga baxeen Moqokori?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliyaha ciidanka Dhulka Generaal Maxamed Tahliil Biixi oo aay wehliyaan guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan taliyaha qeybta 27-ee CXD Gen. Tawane Axmed Maxamed Odayaasha dhaqanka iyo saraakiil ciidaan ayaa booqday furimaha dagaalka oo aay ku suganyihin ciidamada dib-u-xoreynta deegaanka.

Generaal Biixi iyo masuuliyiinta la socday ayaa dhiirra gelin u sameeyay ciidanka dib-u-xoreynta deegaanka ee howlgalka ka dhanka ah AS ka wada gobolka Hiiraan.

Taliyaha qeybta 27 ee CXD Genaraal Tawane Maxamed Maxamed oo la hadlay ciidanka Huwanta ah ayaa ku guubaabiyay in aay howlaglka sii laba jibaaraan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa digniin adag u diray shaqsiyaad xagal daacin ku haaya howlgalka ka dhanka ah AS ee Hiiraan ka socda.

Taliyaha ciidanka Dulka Generaal Maxamed Tahliil Biixi ayaa ku amaanay ciidanka dib-u-xoreynta iyo ciidaanka qalabka sida howlglka aay wadaan taliyaha ayaa xusay in dagaalka xoreynta ah ee ree Hiiraan wadaan tusaale u yahay soomaaliya oo dhan, waxuuna ballan qaaday in dowladda dhexe dadka ree hiiraan ku garab istaagi doonto taageero ciidaan dhaqaale iyo cafimaad si aay deegaankooda uga saraan AS.

Ciidanka is garabsanaya ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan dib ugu laabtaan degmada Moqokori iyo deegaanka Yasooman oo saraakiisha ciidaanka aay sheegeen in xeelad ciidan saakay looga soo baxay.