Maxay tahay sababta uu RW Rooble u diiday casumaaddii Uhuru Kenyatta

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa diiday casuumaad uu u fidiyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq  ayaa loo xilsaaray in uu dowladda Kenya gaarsiiyo baaqashada Raiisul Wasaare Rooble, farriintaas oo xukuumadda Nairobi ay aad ah uga xumaatay.

Uhuru ayaa doonayay inuu qorshayaal dhowr ah kala hadlo Ra’isul Wasaaraha oo ay ugu weyntahay xayiradda duulimaadyada ee uu ku soo rogay Soomaaliya iyo in dib loo fasaxo jaadka laga soo saaro Kenya ee Soomaaliya la keeni jiray.

Dowladda Kenya oo ka jawaabaysa diidmada booqasho ee Ra’isul Wasaare Rooble ayaa qaadday tallaaba ay kusii xoojiyeen go’aankooda socdaalka Soomaaliya, iyadoo xitaa mamnuucday Diyaaradaha gargaarka keena Soomaaliya.

Dhanka kale Ra’isul wasaare Rooble ayaa baaqashada socdaalkiisa u sababayeeyay howlaha shaqo ee baaxada leh. kuwaa oo ay ugu weyntahay hergelinta heshiiskii doorasho ee lagu saxiixay Afisiyooni.

Cilaaqaadka Kenya iyo Somalia ayaa aad u xumaaday tan iyo wixii ka dambeeyay markii dowladda Federalka ay joojisay Diyaaradihii khaadka ee ka imaan jiray Kenya, waxaana labada dowladood ay kala wacdeen safiiradooda.