Maxay tahay ‘shuruudda uu Laftagareen ku xiray inuu wareejiyo xilka?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wixii ka dambeeyay markii uu baarlamaanka Koonfur-Galbeed muddo kordhin xileed u sameeyay madaxweynaha dowlad goboleedkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) waxaa sii xoogeysanayay jahwareer siyaasadeed oo ku aaddan arrintan.

Madaxweyne Laftagareen ayaa xalay markii ugu horreysay ka hadlay mowduucan, isagoo sheegay in uu ahaa go’aan ay gaareen xildhibaannada baarlamaanka. Waxa uu intaa ku daray in iyaga oo keliya ay mar kale isbaddal ku sameyn karaan, isbedelkaas oo uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu aqbalo.

“Wixii ku saabsan [muddo-xileedka] ma rabo inaan waqti geliyo, mana rabo inaan ka sheekeeyo, mas’uuliyaddaas waxaa iska leh Baarlamaanka Koonfur-Galbeed, maalinta berito ah Baarlamaanka Koonfur-Galbeed wuxuu ka qabo ayaan ka qabaa, hay’addii sharci-dejinta waaye, shalay iyadaa go’aankan gaartay, nidaam bey usoo martay, mooshin baa la keenay, nadaam ayaa noo jira, dowlad baa jirta,” ayuu yiri.

Waxa uu hadal ka jeediyay xaflad ka dhacay Baydhabo oo lagu xusayay afar sano guurada markii la doortay, taas oo sidoo kale dhammaad u noqoneysa muddo xileedkii afarta sano ahayd.

“Xeer iyo nidaam annaga aan sameysannay baa yaalla, nin iyo qof xanaaqsan, ama siyaasad u xanaaqsan ama dareen kale qaba sharciyaddeenna iyo nidaamka iyo dowladnimada midna waxba kama baddalayo,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Muddo-xileedka madaxweyne Laftagareen oo ahaa 4 sano ayaa ku ekaa shalay oo ahayd 19-ka bisha Disembar, waxaana uu ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay afar guuradii kasoo wareegtay markii la doortay.

Cabdicasiis Laftagareen ayaa sheegay in maamulkiisu ay xilalka oo dhan “ku wareejin doonaan qofkii hal tuulo ka soo qabsada Al-Shabaab.”

“Badbaado Koonfur-Galbeed wax la yiraahdo ma jiraan, badbaadada Koonfur-Galbeed ninka raba, Koonfur-Galbeed Shabaab baa heystee haka badbaadiyo. Furinta yuusan kasoo bixin oo Baydhabo imaamine, [barakacayaasha gudaha] iyo maatadan halkan joogta, hal malyan iyo labo boqol oo kun oo qof ayaa Baydhabo joogtee… qoriga hala soo dhex fariisanine bannaanka u bax oo Shabaab ka badbaadi.”

“Haddaad xil rabtid, tuulada ugu horreysa markaad qabatid noo soo noqo, waxaan xil heyno oo dhan adiga ayaan kuu dhiibeynaaye, haddaad nin rag ah tahay,” ayuu yiri Laftagareen.

Hadalkiisa ayaa loo arkaa mid jawaab u ah walaac ay muujinayeen qaar ka mid ah xildhibaannada Koonfur-Galbeed iyo siyaasiyiin ka soo horjeestay kordhinta muddo xileedka, iyagoo ku adkeystay in aysan sax ahayn.

Meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya waxaa ka socda dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo xooggiisu uu ka jiro maamul goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur-Galbeed.

Meelo badan oo ka mid ah Koonfur Galbeed ayaa weli ki jira gacanta kooxda Al-Shabaab.

Bishii April ee sanadkii 2020 ayuu Baarlamaanka Koonfur-Galbeed oo kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo ansixiyay muddo-kordhin loo sameeyay guud ahaan maamulka Koonfur-Galbeed, iyagoo sheegay in ay tallaabadaas u qaadeen si la isku waafajiyo doorashooyinka baarlamaanka iyo midda madaxweynaha, haseyeeshee xildhibaanada qaarkood ayaa ku dooday in arrintaas aysan sharciga waafaqsanayn.

Qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doortay deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa walaac ka muujiyay muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

BBC