Maxay Tahay Taageerada Cusub Uu Hada Mareykanku Siinayo Soomaaliya?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay Taageero cusub oo dhanka Samafalka Aadminimo oo la siinayo Dadka Soomaalida oo ay sanooyin badan soo wajahdeen colaado, Abaaro, Fatahaad, Duullaanka Ayaxa, Ammaan-xumida Cuntada  iyo Cuddurka Dilaaga ee COVID 19.

Ku-dhawaad 199 million oo Dollar oo Taageero dheerad ee dhanka Aadminimo ayey Dowladda Maraykanka soo marsiin doontaa Hay’adda Maraykanka ugu qaabilsan Horumarinta Caalamiga ee USAID iyo Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka.

Kaalmada cusub ee Maraykanka siinayo dadka Soomaalida waxay wadarta guud ee ka dhigi doontaa in ka badan 408 milyan oo Dollar sanad-maaliyadeedka 2021-ka.

Qoraal la soo dhigay Websaytka Hay’adda USAID ayaa lagu muujiyey in Kaalmada cusub ee Maraykanka ay ka taageeri doonto ku-dhawaad 6 milyan oo qof oo Somali ah, kuwaasi oo u baahan Gargaar Adminimo, oo ay ku jiraan 3 milyan oo dadka Barakacayaasha ku nool gudaha dalka Somalia iyo ku-dhawaad 500,000 oo Qaxooti Somali oo ku nool Xeryo ku kala yaalla dalalka Jabuuti,Ethiopia iyo Kenya.