Maxay tahay u jeedka safarka Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ee Degmada Warsheekh?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Shariif Sheikh Axmed ayaa waxaa ay Maanta gaareen degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynayaal hore oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa safarkooda waxaa ay safar dhinaca dhulka ah ku tageen degmada Warsheekh, iyada oo ay soo dhaweeyeen mas;’uuliyiinta Maamulka degmada & qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in labada Madaxweyne hore ay u sii gudibi doonaan degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,iyaga oo u kuurgalaya xaalada degaanka.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa isna shalay gaaray degmada Cadale, waxaana wararka la helay ay sheegayaan in mas’uuliyiintaan ay halkaasi u tagayaan sidii loo xalin lahaa Cabasho ka timid Beesha degaankaas, kuwaas oo sheegay in aysan wax matalaad Golaha Shacabka ah ka helin Baarlamaanka Soomaaliya.