Maxay tahay walaaca ay qabaan Midowga Murashaxiinta ee ku aadan maalinta Ciidanka Xoogga Dalka?

MUQDISHO-AYAMAHA-Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha  ayaa Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) ugu hambalyeeyay munaasabadda aasaaskooda oo ku beegan 12-ka Apriil oo Maalinta Berito ah, iyaga oo cadeeyay in xuska 12- ka April uu yahay maalin weyn oo ay tahay in ay ummadda Soomaaliyeed  ay u dabaal degaan.

Qoraal kasoo baxay Midowga Musharrixiinta ayaa waxaa lagu sheegay inay qadarin weyn u hayaan Ciidanka xoogga dalka oo dhismihiisa ay kaalin weyn ku lahaayeen balse marna aqbali karin in loo adeegsado dano siyaasadeed, sida uu horay ugu kacay Madaxweynaha muddo  xileedkiisa uu dhammaaday oo ciidanka xoogga dalka ku weeraray madax hore, siyaasiyiin, maamullo iyo golaha intaba.

“ Golaha oo xeerinaya sicir bararka iyo abaaraha dalka ka taagan, xilliga xasaasiga ah ee uu dalka marayo & dhaqanka lagu yaqaanay Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday ee awood iyo ciidan adeegsiga ahaa waxaa uu soo jeedinayaa.

1-Hantida iyo qarashka lagu bixinayo dabbaaldegga badankeed loo weeciyo taakulaynta dadka tabaaleysan ee la daalaa dhacaya afur la’aanta bisha barakeysan ee Ramadaan.

2-Si looga baaqsado magaalada oo la xiro, isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha oo la joojiyo iyo in la xannibo xoogsata la diriraysa nolosha maalinlaha ah, in sidii ay horey u ahaan jirtay dabbaaldegga lagu ekeeyo taliska ciidanka iyoxaruntiisa

3- In ciidanku ka fogaado fulinta ajandaha gurracan ee la damacsan yahay in lagu carqaladeeyo dhaarta xildhibaannada oo loo muddeeyey 14-ka April ee 2022-ka.

Ugu danbayn Golaha Midowga Musharixiinta ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, xukuumadda, madaxda dowlad goboleedyada iyo beesha caalamkaba in si isku mid ah looga horyimaado cid kasta oo isku deyda carqaladaynta dhammeystirka hawlaha doorashooyinka dalka.