Maxay tahay xogta cusub ee Maraykanka helay oo ku saabsan duulaanka Ruushka ee Ukraine?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka ka imaanaya Mareykanka ayaa sheegaya in saraakiisha ammaanka ay ka digeen in haddii duulaan toos ah uu Ruushka ku qaado dalka Ukraine uu sababi karo dhimashada dad gaaraya konton kun oo rayid ah.

Siyaasiyiinta ayaa loo gudbiyay xogtii ugu dambeysay ee sirdoonka Mareykanka todobaadkan. Waxaana la sheegay in loo gudbiyay in Ruushka uu boqolkiiba todobaatan uu isku dubba-riday ciidamada looga talagalay duulaanka buuxa ee ka dhanka Ukraine.

Saraakiisha Maraykanku ma aysan keenin caddayn ku saabsan qiimeynta ay sameeyeen. Waxa ayna sheegeen in xogtan ay ku saleeyeen sirdoon balse aysan awoodin in ay faah faahin ka bixiyaan,sida ay ku warrantay warbaahinta Mareykanka.

Saraakiishan ayaa sidoo kale sheegay in aysan garaneyn in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu go’aansaday in uu qaado tallaabadan oo kale, iyaga oo intaa ku daray in weli uu suurtagal yahay in xal diblumaasiyadeed la gaaro.