Maxay yihiin diyaaradaha Dronis-ka ee ay sirdoonka Soomaaliya qabteen?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa tan iyo shalay soo baxayay warar sheegayay in diyaarado nuucoodu yahay kuwa aysan duuliyaha saarneyn lagu qabtay garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka (NISA) in ay gacanta ku hayaan diyaaradahaasi oo uu sheegay inay yihiin kuwo laga leeyahay ujeeddo ganacsi.

Xildhibaanka oo wareysi gaar ah siiyay BBC ayaa sheegay in diyaaradahan u ugu talagalay in uu u isticmaalo dhanka hormarinta beeraha.

“Diyaaradahan aan duuliyaha lahayn wadanka waa ka buuxaan, dad horaa keenay. Aniga kuwa aan keenay waa kuwo ku shaqa leh hormarinta beeraha, biyaha iyo sahanka dhulka oo loogu talagalay mashaariicda hormarinta,” ayuu yiri mudane Sakariye.

Lamaaha ammaanka ee dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa dhankooda ilaa iyo imika war rasmi ah aan ka soo saarin diyaaradaha la qabtay.

Isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ee loo adeegsado beeraha ayaa sannadihii u dambeeyay ku soo badanayay caalamka.

Diyaaradahan ayaa waxaa loo adeegsadaa buufinta beeraha, waraabinta dalagga, bacriminta iyo waliba la socodka guud ee xaaladda beeraha.

Diyaaradahan ayaa waxaa sidoo kale loo adeegsan karaa buufinta cayayaanka, sida Ayaxa.

Tiknoolojiyadan cusub ayaa waxaa ay meesha ka saartay xooggii badnaa ee dadka tacbada beeraha ay galin jireen howlaha kobcinta dalagyadooda.

Muddooyiinkii u dambeeyay dalka Turkiga ayaa noqday mid ka mid ah waddamada sameeya diyaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka.

Iyada oo uu Turkiga sameeyay diyaaradaha Drones-ka dagaalka oo ah kuwo si wayn looga baqo ayaa waxay hadanaa shirkadaha Turkiga soo saareen diyaarado kale oo beeraha loo adeegsan karo.

Dalka Soomaaliya way ku yar tahay xilligan adeegsiga diyaaradaha drones-ka, nooca beeraha.