Maxay yihiin sababaha keenay in ciidamada Ruushka ay qabsan waayeen caasimadda Ukraine?

MUQDISHO-AYAAMAHAJanaraaladan ayaa sidoo kale sharraxaad ka bixiyay sababaha ay u aaminsan yihiin in caasimadda ay muhiim ugu tahay ka hortagga ciidamada Ruushka.

Kiev ayaa noqotay meesha ugu daran ee dagaalka ka dhacay, sidoo kale waxaa saameeyay hubka wax gumaada ee Ruushka.

Laakin caasimadda Kiev iyo agagaarkeeda badanaa weli ma gaarin hubka Ruushka. Qaar ka mid ah magaalooyinka Ukraine ayaa la duqeeyay waxaana jiraa khasaare badan.

Shacab badan ayaa isaga qaxay caasimadda Kiev inkasta oo ay weli jiraan dad ku haray halkaas, dadka waxay wajahayaan dhibaatooyin fara badan.

Webiyada iyo dhulka biyo farriisinka ah-waxay noqdeen dhufeys dabiici ah

Ciidamada ammaanka ee Kiev ayaa sheegay in Ukraine ay si adag u dagaalamayso, balse waxay qireen in caasimadda ay halis ugu jirto in lagu garaaco gantaallo.

Si kastaba ha ahaatee, qaybta sare ee magaalada waa mid ka duwan deegaannada kale, ayuu yiri Janaraal Andriy Kryschenko. Magaaladan weyn waxaa kala qaybiyaa wabiyo.

“Way adag tahay in la wada ilaaliyo, iyadoo la tixgelinayo inay tahay magaalo aad u weyn,” ayuu yiri. “Laakiin dhanka kale, faa’iido ayay inoogu jirtaa, Wabiyada iyo Buundooyinka waxay ku yaalaan afaafka hore ee magaalada, ciidamadeenu waxay sugayaan amnigaa2.

“Duleedka Kiev waxaa ku yaal wabiyo yar yar oo badan oo ku qulqula webiga Dnieper, waxaana jira dhul biyaha ay farriistaan oo badan, taas oo macnaheedu yahay in aagga uusan ku habooneyn dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ballaaran.

Janaraal Kryschenko, oo sidoo kale ah ku xigeenka duqa magaalada, oo ku labisnaa dareeska militariga, maadaama madaxweynihiisa Volodymyr Zelensky uu xirtay markii uu la hadlayay dadkiisa, isagoo soo jiitay xulafadiisa isla markaana ka careysiiyay cadawgiisa.

Faa’iido kale, guud ahaan, Kiev waa magaalo warshadeed, halkaas oo warshadaha iyo garaashyada noocan oo kale ah ay noqdeen goobo muhiim ah oo lagu soo sameeyo shubka, bacaha ciidda iyo si loogu hortaggo taangiyada dagaalka.

Kryschenko iyo Knyazev ayaa daawanaya shaashad weyn oo ay adeegsadaan si ay ula socdaan dhaq dhaqaaqa ciidamada Ruushka ee magaalada Kiev.

Waxay ku macneeyeen inay weerareen oo ay ka hortageen laba weerar oo waaweyn: mid ka dhacay bariga iyo mid kale oo laga geystay waqooyi-galbeed, oo ay ku jiraan kolonyo ay la socdeen maraakiibta dagaalka ee Ruushka oo 64 KM ah.