Maxay yihiin wax yaabaha lagu arkay degaannadii laga saaray Al-Shabaab?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ay wehlinayeent aliyaha Ciidanka xoogga dalka iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, Xildhibaan Katirsan Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan ayaa gaaray degaannadii laga saaray Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan ayaa Wasiirka Gashaandhiga Soomaaliya iyo saraakiisha Ciidamada Qalabka sida warbixin ka siiyey Al-Shabaab ay dhawaan dadka degan ka gubeen uryihii ay daganaayeen, sidoo kalena ay ka Aaseen Ceelashii biyaha, kuwaas oo kuyaalla Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan ayaa Goob fagaaro ah ugu qudbeeyey Ciidamada dib u xorenynta degaannada Gobalka Hiiraan, isagoo xusay ineey yahiin geesiyaal naftood huray, isla markaana xaqooda ay heli doonaan.

Sidoo kale waxaa uu ka codsaday wasiirka Diifaaca iyo saraakiisha Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ineey masuuliyad iska saaraan sidii Ciidanka loogu dhameeystiri lahaa dhammaan Adeegyada muhiim ah looguna garab istaagi lahaa Difaaca iyo ladagaalanka Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka xooga Dalka soomaaliyeed ayaa Bogaadin iyo garab istaagid buuxdo u muujiyey ciidamada Dib u xorenynta Deeganada ee Gobalka hiiraan asigoo ka mahadceliyey howshii wanaagsaneed ay la qabteen Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Wasiirka Gashaandhiga Cabduukadir Maxamed Nuur ayaa xusay muhiimada ay leedahay la dagaalanka Al-shabaab iyo sidii looga saari lahaa guud ahan gayiga Soomaaliyeed asigoo xusay in wasaarada Difaaca Dalka iney qorsho iyo qalab ku Taagerayaan Ciidamada Qalabka sida iyo Ciidamada Dib u xorenynta degaannada Gobolka Hiiraan.