Maxey Eritrea ku heysataa askarta Soomaaliyeed ee tababarka dhameestay?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa maalintii labaad ku sugan dalka Eritrea halkaas oo ay sanado tababar ugu maqan yihiin kumannaan dhalinyaro Soomaali ah oo ciidan ahaan loo qaaday.

Arrinta askarta ku maqan Eritrea ayaa khilaaf xooggan ka dhalisay gudaha Soomaaliya, waxaana ay qeyb ka ahayd ololaha doorashadii dhacday bartamihii May.

Haddaba maxay ka dhigan tahay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu muddo bilo gudahood ah laba goor safar ku tago Eritrea, maxaa se hortagaan in la soo celiyo ciidankaas? Su’aalahaas ayaa waxaan hordhignay wasiirkii arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Danjire Axmed Ciise Cawad.

Wuxuu Cawad sheegay inay la tahay in sababta aysan ciidamani weli usoo laabani ay tahay qayb ahaan dagaalkii sokeeye ee Itoobiya ka bilowday iyo kala guurkii iyo doorashadii Somalia ee lasoo dhaafay 15-kii bishii Maajo oo la doortay MW Xasan Sheekh oo haatan 4 bilood kaddib ku sugan dalka Eritrea oo uu markii 2-aad u tegey isla arrimaha ciidamadan.

Cawad waxaa kale oo uu BBC u sheegay inaysan la ahayn inay run yihiin wararka sheegaya in Casmara ay madax furasho u haysato ciidamada oo ay ka doonayso kharashkii ku baxay tababarkooda.

”Ilama aha inay Soomaalidu siyaasadayn karto ciidamadan iyo in Eritrea ay haysan karto ciidamo Soomaaliyeed, balse duruufo kale ayaa jiri kara.” ayuu ku dooday Md Cawad oo xusay in welwelkii waalidiintu uu hadda yaraaday haatanna la filayo inay ciidankani soo noqdaan.