Maxey kawada hadleen Farmaajo iyo Abiy Axmad oo ku kulmay Addis Ababa?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan Adis Ababa kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga Labada Dowladood ee dhinacyada amniga, ganacsiga, dhaqaalaha, deris wanaagga iyo horumarka iyo xaaladda guud ee Gobolka Geeska Afrika.

Famaajo iyo Abyi ayaa sidoo kale kawada hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo waliba dagaaladii lagu hoobtay ee ka dhacay Itoobiya iyo dhibaatada loo geystay TPLF.

Abyi iyo Farmajo ayaa rajo ka qabay iney xafsiiyadooda iska sii joogaan balse Labadaba waxaa ku dhacday in mucaarad hubeysan ay ku kacaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Adis Ababa uga qeyb galaya shirkii 35-aad ee Madaxda Midowga Afrika, kaasi oo maanta furmay loogana hadlayo Xaaldaha ka soo cusboonaaday Wadamada Afrika.