Maxey tahay hanjabaada loo soo diray RW Rooble ka hor inta aan la dilin Xil.Aamina?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in dadkii ka dambeeyay dilkii xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, ay yihiin kuwii soo abaabulay kiiskii lagu qaariiyay Ikraan Tahliil.

Raysal wasaare Rooble ayaa hadalkaan ka sheegay kulan ka dhacay Muqdisho oo loogu ducaynayay marxuumad Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi. Wuxuuna sheegay saacado ka hor dilka xildhibaan Aamino in la furay kursigeeda si ay tartanka doorashada uga qeyb gasho.

Raysal wasaaraha wuxuu sheegay markii isaga iyo madaxweyne Cali Guudlaawe ay xal ka gaareen kursigan, oo la beddelay guddoomiyihii guddiga doorashada Hirshabeelle, ay soo gaartay farriin loogu hanjabayay oo loogu sheegay in uu ka shanlaayi doono kusriga uu furay.

“Ilaah baa iga sarreeyee message baa ii soo dhacay waan hayaa oo la igu leeyahay, Kursigaas Aamino furitaanka aad furtay boob iyo ujeeddo baad ka leedahay, waxaad ka hesho ayaadna leedahay Cali Guudlaawe iyo Hirshabeelle-na waan iska celineynaa,” ayuu yiri raysal wasaaraha.

“Waan u dhimanayaa kiiska Aamino, waa noolyihiin kuwii Baladweyne keenay ee lacagta ku bixiyey ninka Aamino isku qarxiyey, mana ka harayno, ayuu hadalkiisa ku daray raysal wasaaraha, isagoo ballanqaaday in doorashada kadib lala xisaabtamidoono kuwa ka dambeeya falalkan.