Maxey tahay sababta Senator Dhageey uu isaga casiley kursigii Aqalka Sare?

Senator Dhageey oo isaga tegay kursigii Aqalka Sare ee loo doortay
Senator Dhageey oo isaga tegay kursigii Aqalka Sare ee loo doortay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Dhageey) ayaa ka tagay kursigii Aqalka Sare ee dhowaan dib loogu doortay isagoo doortay in uu u tartamo golaha shacabka.

Warqad uu u diray madaxweynaha Galmudug 15-kii Bishaan ayuu sababta uu kursiga isaga casilay ku sheegay inuu rabo in reerka uu ku matalo Baarlamaanka uu ka dhex sameeyo siyaasad caafimaad qabta sida uu yiri.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Yuusuf Geelle Ugaas uu doonayo in uu u wareego Golaha Shacabka, isla markaana uu wado qorsho uu ku hanan karo kursiga ay Beeshiisa ku leedahay Golaha Shacabka.

Sababta uu isku casilay Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Dhageey) ayaa lagu sheegay in labo jufo oo kamid ah Beeshiisa ay isku haysteen labada kursi ee midka isaga ku fadhiyo ee Aqalka Sare iyo midka Aqalka Hoose. jufadiisa ayaa diidaay inay kursiga aqalka hoose ay kuwareejiyeen beesha kale, maadaamaa afartii sano lasoo dhafay ay jufadiisa isku darsadeen labada kursi, hadana aan macquul aheyn in afar sano kale ay ku darsadaan.

Senator Yuusuf Geelle ayaa si iskiisa ah xilka isaga casilay si u u raadiyey qancinta jufada kale ee neeshiisa ah, kuwas oo loo diiday in la siiyo kursiga aqalka hoose.