Maxkamadda Ciidamada Oo Xukun Ku Diray Askari Dil Geystay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil toogasho ah ku diray Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo sanadkii tegay ee 2020 qof ku dilay degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.

Cumar Aadan Xuseen ayaa loo soo xiray 05-tii May Sanadkii tegay dil uu u gaystay AUN Marxuum Abuukar Saalax Xareed Cadow dilkaasi oo ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobalka Gedo.

23-kii August 2020 ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo xilligaas Maxkamaddu ay Ogolaatay in loo gudbiyo Xabsiga dhexe Gar-suge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Baaritaan dheer kadib soo codsaday in la muddeeyo dhageysiga Dacwadda ka dhanka ah Dable Xoogga Dalka Cumar Aadan Xuseen 7-dii October Sanadkii ina dhaafay.

Maxkamadda Ciidamada oo kiiskan dhageysigii soo waday lixdankii cisha ee ina dhaafay ayaa ugu dambeyn Maanta Go’aamisay in Dil toogasha ah lagu xukumo Cumar Aadan Xuseen oo ah Qisaasta Marxuum Abuukar Saalax Xareed Cadow sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban Karo Rafcaan muddo ku siman 30-cisho Xukunka kadib.