Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Nin si bareer ah qof shacab ah u dilay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Federaalka ayaa Maanta xukun dil toogasho ah ku riday Nin horey si bareer ah qof shacab ah ugu dilay deegaanka Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho.

Eedeysanaha Maxkamadda xukunka ku riday ayaa lagu magacaabaa Abuukar Macalin Axmed, isla markaana waxaa bishii Maarso ee sanadkaan deegaanka Jasiira ku dilay Nin lagu magacaabi jiray Axmed Cali Nuur.

Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegay Garsoorayaasha in Eedeysanaha uu dilka u gaystay ku tala gal, isla markaasna uu isku dayay in uu Baxsado, sidaas darteed ayuu ka codsaday Garsoorka in lagu xukumo Ciqaab u dhiganto Qodobada ay ku soo Eedeeyeen Abuukar Macalim.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa Iyana Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto Eedeysanaha  oo laga qaado diyo Maadaama Marxuumka uusan dhacayn balse uu kaga baqay Naftiisa.

Maxkamadda ayaa muddo kadib go’aan ka soo saartay Kiiska Abuukar Macalin Axmed Hilowle maalintan, waxa ayna ku xukuntay Dil toogasha ah oo ah Qisaasta arxuum Axmed Cali Nuur sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.