Maxkamadda Puntland Oo Dil Toogasho Ah Ku Xukuntay Rag Geystay Kufsi Wadareed.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maxkamadda Darajada 1aad ee Gobolka Mudug Puntland ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa ay xukun ku riday Saddex rag ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay faraxumeeyeen Wiil 13 jir ah.

Saddexda ragga ah oo lagu kala magacaabo Xuseen Shaamil Maxamed Cali , Sakariye Cabdiraxmaan Saciid & Bishaar Maxamed Cali ayaa Xeer ilaalinta Maxkamadda Darajada 1aad ee Gobolka Mudug ku eedeysay inay kufsi wadareed u geysteen Wiil 13 jir ah oo lagu Magacaabo Cabdullaahi Cabdifitaax Sheekh Xuseen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Gobolka Mudug Puntland  Cabdinaasir Maxamed Cali oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in Saddexda Ragga ah ay gaari ku qaateen Wiilka ay faraxumeeyeen, kaas oo gacanta lagu soo dhigay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Guddoomiyaha in kadib markii la helay cadeeymaha kiiskaan ay maxkamadda Darajada 1aad ee Gobolka Mudug Puntland xukun dil toogasho ah ku riday Saddexda raga ah, kuwaas oo kala ah, Xuseen Shaamil Maxamed Cali , Sakariye Cabdiraxmaan Saciid & Bishaar Maxamed Cali.

Maxkamadda Darajada 1aad ee Gobolka Mudug Puntland aya horay waxaa ay sidan oo kale u riday xukuno kala duwan, kuwaas oo qaarkood ay kujireen falal kufsi ah oo loo geystay Carruur yaryar.