Maxkamadda Puntland oo dil toogasho ku fulisay Nin dil geystay

GAROOWE-AYAAMAHA-Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Puntland ayaa saaka waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay Maxamed Cabdulqaadir Muuse (Af-dheere) kaas oo loo haysto dilka marxuum Bootaan Maxamed Bootaan ( Cawl) oo ka tirsanaa hay’adda PMPF.

Toogashada lagu fuliya Maxamed Cabduqaadir Muuse (Af-dheere) ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, waxaana toogashada goobjoog ka ahaa Ehelada Marxuum Bootaan Cawl oo ka tirsanaa Ciidanka PMPF.

Maxkamadeynta Maxamed Cabdulqaadir Muuse (Af-dheere) ayaa soo martay heerar kala duwan, waxaana ugu dambeyn maxkamaddu ay dil toogasho ah ku riday 3-dii Bishii Febaraayo ee sanadkaan 2022.

Dilka Bootaan Maxamed Bootaan ( Cawl) ayaa ka dhacay 30-kii Bishii Octoober ee sanadkii 2021 duleedka Magaalada garoowe, waxaana suurto gashay in Ciidamada ay qabtaan Ninka dilka geystay.

Goobta toogashada oo kutaalla Magaalada Garoowe ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil katirsan Maxkamada Ciidamada Puntland, ehelada Marxuumiinta kala ah Bootaan Maxamed Bootaan ( Cawl) iyo Maxamed Cabdulqaadir Muuse (Af-dheere).