Maxkamadeynta Mas’uuliyiin horay xilal uga soo qabtay Puntland oo socota

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dhageeysigga dacwad la xiriirta Dhoofinta Dhir la sheegay in la jaray lana doonayay in Loo dhiifiyo dalka dibadiisa ayaa Xeer ilaalinta Dowlad Goboleedka puntland waaran u jartay mas’uuliyiin hore xilal uga soo qabtay maamulka Puntland oo ku eedaysan dhoofinta geed-quwaaxa.

Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale waaran u jartay mas’uuliyiin hore xilal uga soo qabtay Puntland oo ku eedaysan dhoofinta geed-quwaaxa.

Mas’uuliyiinta ku lug yeeshay barnaamijkaas waxaa kamid ah kuwa hadda xilal ka haya dowladda oo ay ku jiraan xildhibaano inkastoo aan weli tallaabo laga qaadin.

Arintaan ayaa timid ka gadaal markii Maxkamadda derejada kowaad ee magaalada Garoowe ay saaka mar kale u fadhiisatay dhegaysiga dacwadda ku saabsan dhoofinta dhirta loo yaqaan geed-quwaaxa.

Dhegaysiga dacwadda ayaa socotay kadib markii maxkamadda la hor-keenay nin ku eedaysan mashruuca dhoofinta dhirta geed-quwaaxa kaas oo u xiran dowladda.