Maydka Labo Gobdhood Oo Dhallinyaro Ahaa oo La Keenay Magaalada Garoowe

GAROWE-AYAAMAHA-Waxaa ku geeriyooday Deegaanka Biyo-cadde oo jihada bari ka xiga magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland labo gabdhood oo dhallinyaro ahaa kadib markii ay liqday xurfo biyo fariisin ah oo deegaankaasi ku taala oo ay u dabaal tageen marxuumiintaani sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Taliye kuxigeenka qeybta booliska Gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale.

Booliska Garoowe ayaa caawa keenay Cisbitaalka guud ee magaalada Garoowe meydka labo gabdhood oo 14 sano jir ah iyo 8 sano jir kala ahaa.

Taliska qaybta Booliiska Gobalka Nugaal ayaa horay uga digay waalidiinta inay ubadkooda ka ilaaliyaan khatarta ka dhalan karta dabaasha ay u aadan togaga iyo xurfadaha biyo fariisinka ah ee ku yaala duleedada Garoowe.

Geerida labadani Gabdhood ee ay liqday xirfadda biyo Cadde ayaa todobaad gudihiis ka dhigaysa tiro kor u dhaafaysa illaa 5 ruux oo ku nafwaayay durdurada, ceelasha iyo Xurfadaha u dhaw Garoowe oo inta badan ay u dabaal-tagaan dad u badan dhallinyaro xiisaynaysa Dabaasha iyo dalxiiska.