Mdowga Musharaxiinta oo soo saaray in Farmaajo loo aqoonsado qaswade.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Midowga Musharaxiinta oo soo saaray war-saxaafadeed ayaa waxay ku booriyeen Golaha Wadatashiga Qaran in la dedejiyo howlaha doorashooyinka, sidoo kale waxay Beesha Caalamka ugu baaqeen inay gacan ku siiyaan Golaha Wadatashiga Qaran degdeg ku qabsoomida doorasjada.

Midowga ayaa sidookale tilmaamay in shaqsiyaadka hortaagan howlaha doorashada loo aqoonsado Qaswadayaasha, iyadoo ula jeeda Madaxweyne Farmaajo oo ah ninka keliya ee la sheegay inuu hortaagan yahay howlaha doorashooyinka kadib markii sida la sheegay uu abuuray khilaaf isaga iyo Rooble, khilaafkaas oo hakad geliyey howlihii socday.

Midowga Musharaxiinta waxaa ay War saxaafadedkooda ku sheegeen inay indhaha ku hayaan dhaq dhaqaaq ciidan iyo shirqool ay maleegayaan Madaxweynaha xilkiisa dhammaaday iyo Taliyihii hore ee NISA.

Waxay sheegeen in Fahad iyo Farmaajo ay carqaladeynayaan howlaha Doorashada una abuuraan xasillooni darri iyo qalqal amni, iyagoo sheegay in Farmaajo uu qaadayo wixii mas’uuliyad iyo cawaaqib xumada ka dhalata falkaas guracan.

 

 

May be an image of text