Meydad tira badan oo laga helay magaalada Mariupole ee Ukraine

MUQDISHO-AYAAMAHA-Meydad tira badan oo loo maleynaya iney yihiin dagaallamayaashi difaacayey magaalada Mariupole ayaa la soo gaarsiiyey caasimadda Kyiv.

Qoysaska askarta difaaca magaaladaasi ku dhimatay waxay sheegeen iney guddoomeen ku dhawaad 160 meyd labada dhanba.

50 askari oo ka mid ah askartaasi dagaalka u dhimatay waxay ka mid ahaayeen askarti ka dagaallameysay gudaha warshadda biraha ee Azovestol.

Madaxweynaha Ukraine Volodmyr Zelenesky wuxuu sheegay warshadda biraha Azovstal ciidamada difaacay iney ahaayeen 2,500 oo askari oo isugu jira ilaada xadka, boolis iyo ciidamada difaaca qaranka.

Moscow waxay ka gaabsatay ciidamada dagaalka Mariupole looga dilay ee la sheegay in meydadkooda la guddoonsiiiyey.