Meydadka 900 oo qof oo rayid ah oo laga helay deegaanno laga xoreeyay ciidamada Ruushka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Booliska Ukraine ayaa sheegay in meydadka 900 oo qof oo rayid ah laga helay deegaanno waqooyi galbeed uga beegan caasimadda Kyiv, dhawaanna laga xoreeyay ciidamada Ruushka.

Waxaa socda aqoonsiga meydadkaas iyo ururinta caddeymaha muujinaya in goobahaas ay ka dhaceen dembiyo dagaal.

Dhanka kale, Qoraal diblomaasiyadeed oo ay Moscow u dirtay Washington, oo nuqul kamid ah ay darseen warbaahinta Maraykanka ayaa lagu sheegay in hubka lagu taageero Ukraine ay ka dhalan karto “cawaaqib aan la saadaalin karin”.

“Hubka ay Maraykanka iyo xulafadiisa NATO siinayaan Ukraine waxa uu sii hurinayaa dagaalka, waxaana ka dhalan karta cawaaqib aan la saadaalin karin,” ayaa lagu sheegay warqadda labada bog ah ee uu Ruushka diray.

Qoraalka oo la diray Talaadadii ayaa ku soo beegmay xilli ay soo baxeen warar sheegaya in Maraykanka uu taakulo milateri oo dhan 800 oo milyan oo dollar uu u dirayo Ukraine. Waxaa hubkaas kamid ah madaafiicda goobaha fog duqeeya, si xukuumadda Kyiv ay ugu babac dhigto awoodda milateri ee Ruushka.