Meydadka dad Itoobiya ah oo daadsan tuulooyinka badan.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Rabshado isir ku saleysan oo ka dhacay galbeedka Itoobiya ayaa sheegay in aysan u suurtagelin in ay badbaadiyaan nolasha dadkii halkaa lagu laayay oo gaarayay in kabadan 250 qof.

Nin ka mid ah goob-joogeyaashaasu ayaa sheegay in isaga iyo dadka kale oo ay wada deggan yihiin hal tuulo ay aaseen meydadka ilaa 250 qof. Dadakasi waxaa ka mid ahaa walaalkii iyo dumaashidiis.

Tiradaasi dhiamshada ahi si rasmi ah oo madax-banaan looma xaqiijin balse dadka goob-joogeyaasha ahi ayaa sheegaya tiro aad isugu dhow.

Dadka la laayay ayaa la sheegay in ay ka soo jeedaan qowmiyadda Axmaarada, waxaana laayay fallaagada Oromada ee OLA.

Jabhadda xoreynta Oromada (OLA) ayaa iska fogeeysay mas’uuliyadda weerarkaasi, waxa ayna sheegtay in “askarta dowladda oo dib-u-guranaya” ay ka dambeeyeen weraradaasi. Afhayeen u hadlay jabhaddaasi ayaa eeda dusha uga tuuray koox maleeshiyaad ah oo ay sameysay dowlad deegaanka Oromiya.

Sida laga soo xigtay dad goob-joogayaal ah, weerarradani ayaa ka dhacay lix tuulo oo ay deggan yihiin dad beeraley ah oo ku yaal degmada Gimbi, oo ka tirsan galbeedka Oromia.

BBC-da oo isku dayday in ay xog dheeraad ah ka hesho mas’uuliyiinta deegaanka iyo afhayeenka gobolka Oromia ayaysan u suurtagelin.

Deegaankaasi ayaa indhawaale waxaa ka dhacayay dagaallo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa OLA. Weerarradani ayaa laga yaabaa in ay la xiriiraan dagaalladaasi, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee dowladda Itoobiya.

Nin gabar uu dhalay oo 16 jir ah ay ku jirtay dadka la laayay, ayaa yiri: “Waxaa la ii sheegay in tuulooyinka oo dhan ay ka buuxaan meydad.”

Weerarka ayaa la sheegayaa in uu billowday abbaare sagaalkii aroornimo ee subaxnimadii Sabtida, wuxuuna socday ilaa abbaaraha kowdii duhurnimo. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay si deg deg ah u waceen maamulka degmada balse gurmadku uu yimid saacado kaddib.