Meydadka Dadkii AMISOM ku xasuuqtay Shabeellaha Hoose oo La Keenay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa xalay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho la keenay Meydadka shacab ah oo aan waxba galabsan oo gelinkii dambe ee shalay Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ku dileen Gobolka Shabeellaha Hoose.

7 Ruux oo dhammaantood dhalinyaro ahaa ayaa Meydadkooda la dhigay Isbitaalka madiina ee Muqdisho, kuwaasi oo lagu laayay deegaanka Golweyn oo hoostega Magaalada Marka ee Xarunta Shabeellaha Hoose.

Ehelada dadka la xasuuqay oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in dadka la dilay aysan waxba galabsan, isla markaana Ciidanka AMISOM ay si bareer u toogteen dadkaas oo qaarkood kala soo baxeen Beer ay ku sugnaayeen.

Ehelada ayaa tilmaamay in dadka la dilay uu kamid ah yahay Odey da’ ah oo lagu magacaabi Cumar Xasan oo loo yaqaanay Ganeey, shaqaalihii ah joogay baarta iyo saddex Darawal oo saameysanayay gaadiid wadada uga halaabay.

Sidoo kale Ehelada ayaa sheegay in dadka markii la dilay la isugu geeyay hal goob, kadibna lagu riday God, iyagoona markii dambe la qarxiyey, waxaana falkaas ay ku sheegeen inuu yahay mid fool ah, ayna aad uga xun yihiin dhibaatada dhacday.

Dowladda Federaalka ayey ugu baaqeen inay Ciidanka AMISOM ay wax ka qabato dhibaatada shacabka u geystaan, waxaana ay tilmaameen Ehelada in Meydadka aan la aasi doonin ilaa Cadaalad ay helaan, isla markaana dowladda ka hadasho falka.

Si kastaba Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sidaan oo kale Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed ugu xasuuqay dad shacab ah, waxaana falkii dhacay shalay, uu ka dambeeyay, kadib markii qarax miino lala eegtay kolonyo ay la socdeen AMISOM.