Meydka Agaasimihii Radio Muqdisho oo la Aasay.

AASKA CABDICASIIS AFRIKA
AASKA CABDICASIIS AFRIKA

MUQDISHO-AYAAMAHA-Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu Aasay Alle ha u naxariistee Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdi Casiis Maxamuud Guuleed (Afrika) oo xalay lagu dilay qarax ismiidaamin ahaa oo ay la beegsadeen Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, mas’uuliyiin iyo dadweyne ayaa salaadda Janaazada kula tukaday masjidka Shuhadada ee madaxtooyada meydka allaha u naxariistee Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdi Casiis Maxamuud Guuleed.

Aaska ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Siyaasiyiin, Madaxda Warbaahinta iyo inta badan Wariyeyaasha ka howlgalla Caasimadda.

Dhamaan Madaxdii iyo Bahda Saxaafadda ee ka qeyb galay Aaska Marxuum  abdi Casiis Afrika ayaa waxaa ay u tacsiyadeeyeen qaraabadiisa iyo Asxaabtiisa, iyaga oo sheegay in uu ahaa mid Bulshadiisa iyo Qarankiisa sidii la rabay ugu adeegay.

Alle ha u Naxariistee Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdi Casiis Maxamuud Guuleed (Afrika) ayaa in ka badan 13 sano waxaa uu ka howlgalayay Warbaahinta dowladda, waxaana uu caan ku ahaa Barnaamijka Guungaar oo lagu wareysan jiray ragga kasoo goosta Al-Shabaab.