Mid Kamid Ah Ilaalada Cali Guudlaawe Oo Ku Dhintay Dagaal Ka Dhacay Magaalada jowhar

JOWHAR-AYAAMAHA-Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo Maanta Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ku dhex-maray Ciidamada ilaalada Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo kuwa Booliska oo dhinac ah iyo maleeshiyaadka Macawiisleeyda.

Maleeshiyaad ka tirsan Macawisleyda ayaa la sheegay inay weerareen bar koontarool oo ku taal dhinaca galbeed magaalada Jowhar, si ay xoog uga soo furtaan rag ka tirsan kooxdaas oo u xiran Maamulka Hirshabelle.

Gaari u lahaa Madaxweynaha Hirshabelle ayaa la sheegay in maleeshiyada macawiisleyda ay qoriga sabanka ku dhifteen, iyadoo dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartay Ilaalada Madaxweynaha iyo xubno Kaaliyeyaashisa ka mid ah.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu ku dhintay Wiil Dhalinyaro ah oo lagu Magacaabi jiray Cali Axmed Godad oo kamid ahaa Dhalinyarada Paratacolka ee Madaxweynaha Hir-Shabeelle halka mid kale oo Magaciisa lagu sheegay Ciise uu ku dhaawacmay.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro soo gaaray dhinaca Ciidamada macawiisleeyda, waxaana maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa Magaalada Jowhar ee Caasimaddda Hir-Shabeelle.