Mid kamid ah “Qoyska Siyaad Barre” oo la sheegay in barakacin uu kawada Afgooye

A Somali soldier patrols a street following a suicide car bomb and gun attack on Tuesday that killed 11 people in Afgoye, Somalia, October 19, 2016. REUTERS/Feisal Omar

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka laga helayo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta ay xiran yihiin inta badan Goobaha Ganacsiga eek u yaal halkaas, iyada oo ay xiisad ka kajirto.

Sababaha Goobaha Ganacsiga Afgooye Maanta u xiran yihiin ayaa waxaa lagu sheegay kadib markii maleeshiyaad hubeysan lagu arkay Wadda u dhexeysa Labada buundo.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Afgooye ayaa waxay sheegeen in maleeshiyadka ay ka careysan yihiin burburin la sheegay in la doonayo in lagu sameeyi Guryo ku yaal Xaafada waanjeel ee ku taal Waaxda 21 Octoober ee Degmada Afgooye.

Arrintan ayaa salka ku heysa kadib markii uu gabar uu dhalay Maxamed Siyaad Barre ay sheegatay dhulka ay daganyihiin dadka shacabka taa oo hadda awood ka heleysa taliska Farmaajo.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dhulka ay dagan yihiin ab ka ab islamarkana aan la sheegan karin iyadoo ay xusid mudan tahay in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheeekh Maxamuud uu dadka shacabka ah ee dagan u xukmiyay.